Sh.Yuusuf Aadan oo xalay Muxaadarooyin ka jeediyey Masjidka Al-Hidaaya
March 17, 2014 - Written by EditorNairobi:-Sh. Yuusuf Aadan, oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee fidinta diinta islaamka ku gaboobay, maalmahanna ku sugnaa magaalada Nairobi, ayaa waxa uu caawa muxaadaro qiimo badan ka soo jeediyay masaajidka Al-Aqsa ee xaafadda Komorok ee magaalada Nairobi.
Sheekha, ayaa muxaadaradiisa uga hadlay ku sugnaanta diinta islaamka, isagoona tusaalayaal ka soo qaatay sidii saxaabadii Nabi Muxamed NNKH ay ugu adkeysteen diinta.
Sheekha, ayaa sheegay in qofka muslimka ah looga baahan yahay inuu ku dhaqmo diinta islaamka, isla markaasna uu fartoomo wixii la amray, kana fogaado waxyaabaha diintu ka reebtay.
Ugu dambeyntii, Sheekha ayaa dadkii dhageysanayay kula dardaarmay inay xil iska saaraan diinta ay barteen, kuna dadaalaan iney wanaagga islaamka u gudbiyaan dadka aan nimcadaas haysan ee ay la nool yihiin.
Sheekha, ayaa habeennada soo socda waxa uu muxaadarooyin ka jeedin doonaa qaar ka mid ah masaajidda xaafadda Islii, waxaana ugu soo horreysay midda uu habeen dambe ka jeedin doono masaajidka abuu bakar ee 6 ka, haddii ilaahay idmo muxaadaradii caawa iyo kuwa kaleba iyagoo maqal iyo muuqaal ah ayaan idin soo gudbin doonnaa.
Sh. Yuusuf Aadan, ayaa ka mid ah culimada ugu waaweyn Soomaalida, isagoona muddadii kontonkii sanno ee la soo dhaafay ku guda jiray barashada, baridda iyo ka shaqeynta diinta islaamka
Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Inshalaah Muxaadarada Sh Yuusuf Adan uu ka jeediyey Masjidka Al-Hidaaya Inshalaah
Halgan.net
Nairobi