Shirkii IGAD ee ka hortaga abaaraha oo la soo Afmeeray magaalada Kampala (Masawiro)

March 27, 2014 - Written by Editor

IMG_0482Kampala:-Kulankii labaad ee shirka dalalka IGAD ee ka hortagga abaaraha ayaa galabta ku soo gabagaboobay magaalada Kampala ee xarunta Yuganda waxaana shirkani uu soconayay intii u dhaxeysay 24-27 bishan March.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah madaxweyneyaasha iyo hogaamiyeyaasha dalalka IGAD, ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailamariam Desalegn, iyadoo sidoo kalena shirkan uu martigeliyay madaxweynaha dalka Yugandha Yoweri Kaguta Musevini.

Shirkan ayaa intii uu socday looga dooday qodobo badan oo la xariira abaaraha iyo saameynta ay ku yeeshaan dadka iyo degaanka iyo sidii loo abuuri fursado ay dadka ku nool degaanada baadiyaha ah ku heli karaan biyo, iyo baad xilliyada la waayo roobabka sanadka, taasoo ay ku dhintaan, kuna barakacaan dadweynaha reer guuraaga ah.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa dawladdaha deeqaha bixiya iyo hay’addaha gargaarka ee Q/midoobay iyo sidoo kale hay’addaha NGO-yada, waxaana gabagabadii kulankan laga soo saaray qodobo loogu gogol xaarayo sidii dalalka IGAD ay isaga kaashan lahaayeen abuurista mashaariic horumarineed oo loo abuurayo bulshooyinka ku dhaqan dalalka IGAD.

Dhanka dhaqaalaha ayaa waxaa ka saacidaya Bankiga adduunka iyo Q/midoobay, waxaana shirkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalalka Soomaaliya iyo South Sudan oo wejiga koowaad ee maalgelintan ka faa’iideysan doona.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa khudbad ka jeediyay shirkan waxa uuna ku sheegay in abaaruhu ay yihiin dabiici ka dhasha roobabka oo baaqda iyo dagaalada, balse la abuuri karo qorsheyaal horumarineed oo looga gaashaamanayo abaaraha. isaga oo dhanka kale xusay in marka ay abaaruhu ku dhuftaan qeybo ka mid ah dalalka IGAD loo baahan yahay jawaab deg deg ah iyo iskaashi dhow oo ay yeeshaan dawladdaha IGAD.

no images were found

“Dawladda IGAD iyo bulshada waa inay si micno leh ugu baraarugaan dhibaatada abaaraha iyo natiijada ka dhalata, waana inaan si adag ugu howlgano sidii aan u sameyn laheyn horumarin dhaqaale, bulsho, nabad iyo xasilooni” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dawladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii looga saari lahaa degaanada tirada yar ee ay weli ku harsan yihiin kooxaha Al shabaab, kadibna loo xasilin lahaa, si ay u suurtagasho in gurmad iyo horumarinba loo sameeyo dadka ku nool dhamaamba gobolada dalka.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Kampala, Uganda

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online