S/land oo ka jawaabtay eedeyn uga timid Madaxda Puntland

March 26, 2014 - Written by Editor

hargeysaHargeysa:- Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha S/land Cismaan Garaad Soofe ayaa waxaa uu jawaab ka bixiyey eedayn kulul oo madaxda Puntand ay u soo jeedisay S/land iyagoo ku eedeeyey in maamulka S/lland uu la shaqysto madaxda Al-shabaab.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha S/land Cismaan Garaad Soofe ayaa ku tilmaamay in eedeynta Puntland ay soo jeediyeen maamulka S/land ay tahay mid aan waxba ka jirin isagoo ku nuuxnuuxsaday in S/land aysan wax xiriiri ah iyo wada shaqayn ah aysan la lahaynd madaxda Al-shabaab.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha S/land Cismaan Garaad Soofe ayaa yiri ”runtii war ka soo yeeray Puntland waa mn nasiib daro ah oo waxba ka jirin waan hadalo gaf iyo deelqaaf ah uu ka muuqdo waxaanse leeyahay  walaalkayaga wasiirka ah amniga puntland daris wanaag ayaa inaga dhexeysa ee darsi wanaaga yaan la xumeyn.”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha S/land Cismaan Garaad Soofe ayaa xusay in S/land ay ilaalin doonto daris wanaag isagoo ka digay in laga fogaado wax walba oo keeni kara nabadgelyo daro. Ugu danbayntii ayaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha S/land Cismaan Garaad Soofe waxaa uu xusay in ay dacwo u gudbin doonaan  Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo weli S/land uu u socdo wada hadal Puntand ay qayb ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online