Taliyaha ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo gaaray Puntland

March 14, 2014 - Written by Editor

taliyeGaalkacyo:-Taliyaha ciidanka booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya Gen.C/xakiin Daahir Saacid ayaa saaka soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug isagoo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf Axmed. Taliyaha ciidanka booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf Axmed masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Mudug ee Puntland iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland.

Taliyaha ciidanka booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya Gen.Cabdixakiin Daahir Saacid ayaa la filayaa in uu u socdaalo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland isagoo booqasho ku tegi doona Kuliyadda ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magalada Carmo. Ilaa hadda wax faahfaahin ah lagama hayo u jeedka socdaalka wafdiga uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya Gen.C/xakiin Daahir Saacid ay ku yimaadeen Puntland.

Socdaalka Taliyaha ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya Gen.Cabdixakiin Daahir Saacid uu ku yimid Puntland ayaa ku soo beegmaysa xili xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland uusan wanaagsanayn.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online