Wafdi uu hoggaaminayo safiirka dowladda Turkiga oo tegay Garoowe
March 6, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wafdi uu hoggaaminayo safiirka dowladda Turkiga oo xafiis ku leh Magalada Muqdisho Cemalettin Kani Torun ayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 6.March.2014 waxaa uu soo gaaray magalada Garowe ee xarunnta maamulka Puntland. Wafdi uu hoggaaminayo safiirka dowladda Turkiga Mr.Cemalettin Kani Torun ayaa waxaa magaalada garonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland , ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo masuuliyiin kale oo ka tisan labada gole ee dowladda Puntland.
Cidanka amaanka ee Garoowe ayaa aad u adkeeyey amaanka magaalada waxaan sidda caadiga ah ay iska ku hayeen dhaq dhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka si ay u sugaan amaanka wafdi uu hoggaaminayo safiirka dowladda Turkiga ee saaka soo gaaray Garoowe. Wafdi uu hoggaaminayo safiirka dowladda Turkiga Mr.Cemalettin Kani Torun ayaa waxaa isla saaka ay booqdeen Isbitaalka guud ee Garoowe, Jaamacadda PSU, Dugsiyadda farsamada gacanta, iyo xarumaha agoonta.
Ma ah safarkii koowaada oo Wafdi uu hoggaaminayo safiirka dowladda Turkiga Mr. Cemalet tin Kani Torun ay ku yimaadan Garoowe balse waxaa socda wada hadal dowladda Puntland iyo dalka Turkiga si mashaariic looga hirgeliyo Puntland yo in xafiis joogta ah ay dowlladda Turkiga ka furato magaalada Garoowe.
Wafdi uu hoggaaminayo safiirka dowladda Turkiga Mr.Cemalettin Kani Torun ayaa waxaa kulan gaar ah uu kula leh madaxtooyadda Puntland Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka En. Camey iyo xubno ka tirsan xukuumadda Puntland.
M_M_Deeq
Halgan.net