Wasiirka amniga Puntland oo ka hadlay howlgalo ay sameeyeen ciidanka Puntland[Cod/Masawiro]

March 31, 2014 - Written by Editor

1Garoowe:-Wasiirka Amniga Puntland Xassan Cismaan Aloore iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Muuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa waxaa ay ka warameen howl galo ay cidanka dowladda Puntland ay sameeyeen 48 saac ee la soo dhaafay laguna soo qabtay ilaa 20 qof , Bistoolado lacago faalso ah iyo Agab kale.

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa saxaaafadda u sheegay in dadka la qabtay ay doonayeen in dilal iyo qaraxyo ka fuliyaan Puntland iyagoo bartilmaamsanaya shacabka iyo dowladda. Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa sheegay in baaritaanka iyo howlgalka ay ciidanku wadaan ay sii socon doonaa iyagoo saxaafadda u soo bandhigi doona xog muhiim ah marka ay soo dhamaadaan baaritaanka socoda.

no images were found

Wasiirka Amniga Puntland Xassan Cismaan Aloore ayaa ka codsaday shacabka reer Puntland in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga isagoo sheegay in Puntland ay ka go’an tahay in ay la dagaalamaan cid walba oo wax u dhimaysa amniga iyo nabadgelayad Puntland ayna ugu horeeyaan ururka Al-shabaab.

Dhanka kale Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Muuse oo isagana la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dadweynaha laga doonayo in ay la shaqeeyaan laamaha ciidanka amaanka iyo ayna dowladda gacan lagu siiyo in cidna aan gurigeeda aysan ka kirayn qof aysan aqoon.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen.Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sidoo kale sheegay  in eedaysana yaasha la qabtay ay ciidanka Puntland ay ka soo kala qabteen magaalooyinka  Boosaaso,Garoowe iyo Gaalkacyo iyagoona xog ku bixiyey in xubno ka tirsan Al-shabaab ay ka howl galaan  goobaha ganacsiga si dadku aysan uga shakin.

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id oo ay qabteen Wasiirka amniga Puntland Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen.Muxiyadiin

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/n48s257f0z/shirjaraa.id.mp3] Halkaan ka dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online