Wasiirka amniga Puntland oo ka hadlay lacagta Maraykanku dul dhigay Yaasiin Kilwe.[Dhagayso]
March 15, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka amniga ee dowladda Puntland Xassan Cismaan Aloore oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay in ay ka war hayaan dhaqdhaqaaq ciidan ee ka socda gobollada Bartamaha iyo Koonfureed Soomaaliya, isagoo xusay in ay ka digtoon yihiin in xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ay u soo gudbaan dhinac Puntland.
Wasiirka Amniga ee Puntland Xassan Cismaan Alloore oo wax laga wiidiiyey lacagta ay dowladda Maraykanka ay dul dhigtay Yaasiin Kilwe oo madax u ah kooxda Al-shabaab ee ku jira Buuraha Golis dhowr jeerna ay Ciidanka daraawiishta Puntland ay dagaalameen ayaa waxaa uu xusay in dowladdiisu ay raadinayso Yaasiin Kilwe, Puntland ay leedaya ciidamo ku filan in ay ka hortagaan Al-shabaab.
Hoos ka Dhagayso Waraysiga Radio Daljir la yeeshay Wasiirka amniga Puntland
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/re5xidosnc/Aloore.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3
M_M_Deeq
Halgan.net