Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ku qaabilay Xafiiskiisa Safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya.

March 19, 2014 - Written by Editor

DSC04382Mogadishu, March 19, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mikael Lindvall oo ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo qaabka lagu horumarin karo,laguna xoojin karo iskaashiga wadaaga ah ee labada dal u dhaxeeya.

Kulankani oo sidoo kale looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ku jirto balaarinta iyo kobcinta iskaashi dhinacyo badan leh oo labada dal ay yeeshaan , taasoo qeyb ka ah taageeridda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo furidda  xarumo xirfado shaqo loogu abuuro dhalinyarada ,si loo hakiyo u adeegsiga da’yarta iyo dhalinta soo koreysa colaada iyo dagaalada , loona suura-geliyo u saldhigidda  nabadda iyo deganaanshaha dalka .

Kulankani oo ku dhammaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Abdullahi Dool Mohamed iyo Hersi Haji Olosow oo ah Agaasimaha guud ee hab maamuuska  qaranka .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo
Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online