Xuduudaha dhiigga W/Q Sheekh Abu Xasaan Xafidahulaah
March 6, 2014 - Written by EditorSoomaalidu wixii ka danbeeyay 1995kii way ka caajistay in ay qabiil qabiil isu layso sidaasna waxaa lagu sheegay daraasad mareykanka laga soo saaray, qabqablayaashii shaqadoodu aheyd inay soomaalida colaad joogta ah ku wadaanna waxaa qaaday daadkii maxkamadaha.
Sida muuqata ajandaha dowliga ee soomaaliya ku wajahan xasillooni iyo in nidaam soo noqdo xilligan dhow ma doonayo si qalaasuhu u sii socdana waxaa loo bahanyahay marba hab hor leh oo la isu dili karo, ujeedadaas shisheeyuhu u baahnaana waxaa si xariifnimo leh u fuliyay shabaab oo bulshada u qaybiyay gaalo iyo muslimiin gumaad kii qabyaaladda mid ka xunna umadda u geystay iyaga oo xaqiijinaya dano dad kale.
Hadda waxaa muuqata in mashruuca shabaab xiiso beelay awood ay wax ku sii laayaan oo badanna uma hadhin, waxaana soo muuqda in hab dagaal oo cusub soo socdo si loo sii wado dagaalka aan dhammaadka laheyn ee soomaaliya laga rabo xilligan dhow, habkaas cusub wuxuu u muuqdaa inuu noqon doono mid u dhexeeya maamul goboleedyada hadda jira iyo kuwa soo dhalan doonaba.
Maamul goboleedyadaasi ma laha xuduud ay heshiis ku yihiin qabaa, ilka ay ka soo jeedaanna laftigoodu heshiis kuma aha deegaanka qabiil walba ku koobanyahay, maalmahanna waxaa la dareemi karaa abaabullo iyo hub uruursi degaanno badan ka socda, waxaana la saadaalin karaa in dagaallada noocaas ahi ay heli doonaan dhaqaalaha iyo hubka loo baahanyahay, maxaa yeelay dagaalka soomaaliya ka dhex socda hub iyo dhaqaale looma waayo dad ay dani ugu jirto oo wax badan ula diyaar ah ayaana jira.
Saansaanka soo muuqda waxaa laga dheehan karaa in mar kale dib loo aloosi doono dagaallo qabyaaladeed oo macag deegaan ama maamul goboleed huwan, waxaana ka cabsi qabaa in haddii mashaqadaasi qaraxdo u isu socodku istaago,qabiil walbana uu ku xannibmo deegaan koobaan oo aanu dhinacna uga bixi karin, arrintaasina nolosha dadka oo dhan saameyn ayey ku yeelan doontaa sii qixitaankana way sii xoojineysaa.
Ilaahay waxaan ka baryayaa in malaheygu beenoobo waxaase ii muuqdo dhiig badan uu ku daadanaya xuduud beenaadyada maamulgoboleedyada iyo colaad baaxad leh oo soo socota, soomaalidana waxaa la gudboon inay dhiiggeeda dhaqaaleysato oo ay iska diiddo in maalinba qaab hor leh la isugu laayo.
W/Q Sheekh Abu Xasaan