Dad loo qabtay weerarkii lagu qaaday xalay guriga Xildhibaan Dhaayow

April 28, 2016 - Written by Editor

howlgaloMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan DFS ay gacanta ku dhigeen nin aad loogu tuhmayo inuu ka mid ahaa koox weerar ku qaaday habeen hore guri uu Muqdisho ka deggan yahay xildhibaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow.

Wasaaradda amniga ee DFS ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah ragii weeraray guriga Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow oo ah xildhibaan ka tirsan baarlammaanka Soomaaliya waxaana weerarka ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada xildhibaan Dhaayow.

Af-hayeenka wasaaradda amniga, ee DFS Cabdikaamil Macalin Shugri ayaa sheegay in baaritaan ku socdaan ninka la soo qabtay wuxuuna sheegay in qaar kale ay ku daba jiraan.

Xildhibaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow ayaa ka badbaaday weerarka lagu soo qaaday gurigiisa kaas oo la rabay in lagu khaarajiyo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online