Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Puntland ku bogaadiyay oggolaanshaha qaabka doorasho ee 2016

April 3, 2016 - Written by Editor

xasanMadaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu bogaadinayaa dadaalka dheer ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo dowladda Puntland u galeen horumarinta danta Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu si diirran u soo dhoweynayaa oggolaanshaha ay dowladda Puntland ku oggolaatey qaabka doorashooyinka 2016 iyo wixii ka dambeeya.

Sidoo kale qabyo-qoraalka heshiiska laga wada hadlay waa dadaal dheeri ah, waxaana ku jira qodobbo aad muhiim u ah, oo ay habboon tahay in looga wada hadlo loogana heshiiyo madallada jira sida tan hoggaamiyayaasha qaran (NLF) ee dhawaan dhici doonta iyo hay’adaha dastuuriga.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u mahad celinayaa dhammaan beesha caalamka , shacabka, isimada, waxgaradka iyo ururrada bulshada dadaalka ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, dal iyo dibadba, iyo beesha caalamka iney u gargaaraan dadka ay saameysay abaaraha ka jira Soomaaliya.

———–Dhamaad——-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online