Madaxweyne Prof Gaas oo kormeeray Warshadda Samaysa qalabka Birta Culus ee dalka Ethiopia.[Masawiro]

April 21, 2016 - Written by Editor

unnamed-3-2Addis:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hawlo ushoqo u jooga magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddankaasi Ethiopia ayaa kormeeray gelinkii danbe ee maalinimadii shalay  20-April-2016 Warshadda samaysa  Birta Culus iyo  qalabka dhismaha waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha, wershedaas oo magaceeda  loosoo gaabiyo  METEC iyo  sidoo kale Warshadda samaysa qalabka korontada cadceeda laga dhaliyo.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa waxaa ku weheliyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dawladda Puntland C/weli Xirsi Indho-guran iyo Danjiraha dawlada Puntland ujooga Dawlada Ethiopia Mudane. Mahad Faarax Gaas.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaadhey xarumaha shirkadaha uu booqday waxaa ku soo dhoweeyey maamulka shirkadahaasi, isla markaana warbixino ka siiyeen Madaxweynaha qaabka ay u shaqeeyaan iyo sidoo kale isbedelleda ay ku sameeyeen kaabayaasha dhaqaalaha ee waddankaasi Ethiopia.

Dhinaca kale ujeedka kormeerka Madaxweynaha Dawaldda Puntland ayaa daarranaa sidii ay dawladda Puntland iyo Dawladda Ethiopaia isaga kaashan lahaayeen ka faa’iidaysiga xoogga korontada iyo Birta Culus.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa muddada uu ku jooga safarka shaqo dalkaasi Ethiopia ayaa waxaa uu la kulmi doonaa danjirayaasha qaybo ka mida safaaradaha shisheeye ee fadhigoodu yahay dalkaasi Ethiopia iyo sidoo kale madaxda sare ee hoggaanka waddankaasi Ethiopia majaraha uhaysa.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online