Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo ku baaqay shir deg deg ah
June 9, 2020 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa u soo saaray war saxaafadeed ku saabsan qaabka la doonayo in loo maro doorashada hogaanka saree e Dowladda federaalka Soomaaliya oo uu waqtigeedu dhow yahay
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir deg deg ah oo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya.
Gudoomka Aqalka Sare ayaa dalbaday in shir la iskugu yimaado ka hor 25-ka bishan June, waxaana la magacaabay guddi kasoo shaqeeya qabashada shirkan, oo uu guddoomiye u yahay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.
Hoos ka Akhriso Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo ku baaqay shir deg deg ah
no images were found