Gudiga dib u habaynta Ciidammada PL oo booqday xergada Xorgoble

June 16, 2020 - Written by Editor

Qardho:-gudiga dib uhabaynta Ciidammada Dawladda Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku suganaa degmada qardho ayaa booqday Dugsiga Tababarka Ciidammada ee Xorgoble.

Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga Mudane Cabdisamed Maxamed Galan iyo Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Mudane Gen Yaasiin Cumar Dheere ayaa la kulmay Saraakiisha iyo Macalimiinta Dugsiga Xorgoble.

Dugsiga Tababarka Ciidammada ee Xorgoble waxaa soo gaaray Ciidammo tabarbar ku soo qaatay Dugsiyada 54-raad iyo BADHAN waxana la guda gali doonaa fulinta wajigii labaad.

Ciidammadan ayaa lafilaaya in loo soo afmeero tababar kii ay soo qaateen waxana lafilaayaa in laysku dhafidoono si ay u gutaan waa jibaad kooda Ciidanimo.

Dhismaha Ciidammada ayaa gudigu guulo wax ku ool ah ka gaareen iyaga oo fulinaaya Siyaada Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni ee ku aadan in Puntland hesho Ciidammo layaqaan Tiradooda iyo Tayadooda.

no images were found

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online