Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmay

June 6, 2020 - Written by Editor

Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, waxaa maanta si rasmi ah uga furmay kalfadhiga todobaad ee Baarlamaanka.

Fadhiga maanta oo si toos ah looga tabinayo qalabka warbaahinta maxalliga ah, ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda ugu sarreysa dalka, sida gudoomiyaasha labada aqal ee Baarlamaanka, madaxweynaha jamhuuriyadda, ra’isulwasaaraha, duqa magaalada Muqdisho, mudanayaasha labada aqal iyo golaha wasiiradda.

Khudbadaha ayaa ahaa kuwo aad u kooban, kasoo qeybgalayaashana waxaa afka ugu wada duubnaa maaskarada looga hortago neefta si loo yareeyo faafista cudurka Covid-19.

Inta badan saxafiyiinta magaalada Muqdisho ayaa loo diiday in ay shirka tabiyaan. Tallaabadaan ayaa waxaa cambaareeyay ururka Isutagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ.

Xoghayaha guud ee JESOJ, Maxamed Ibrahim Nur Macallimu ayaa cambaareeyay go’aan uu sheegay in guddoonka baarlamaanka ay uga hor-joogsadeen wariyaasha madaxa bannaan qaarkood in ay kalfadhiga todbaad sooo tabiyaan.

Madaxdaweynaha Soomaaiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inti ay socotay khudbadiisa, la kulmay carqaladeyn uga imaneysay qaar ka mid ah xildhibaannada oo kala hortagay orrin iyo qeylo. Qaarkood ayaa yeerinnayay firinbi, halka kuwo kalana ay ku qeylinayeen inuu waqtiga ka dhamaaday.

Madaxweyne Farmaajo, waxyaabihi ugu muhiimsanaa ee uu kusoo qaaday khudbaddiisii la wada sugay, codsi uu u jeediyay mudanayaasha Golaha Shacabka, oo uu ka codsaday in ay ku raacaan meel-marinta maqaamka siyaasadeed ee caasimadda Muqdisho.

Wuxuu kaloo ballan qaaday in doorashooyinka Soomaaliya ee foodda nagu soo heysa ay waqtigooda ku dhici doonaan. Arrintaan ayay siyaasiyiinta mucaaradka iyo hey’adaha iyo dalalka caalamiga ah ee taageera dowladda wal wal ka qabeen maalmahaan,kaddib marki uu soo baxay shaki ah in dowladda ay daneyneyso muddo kororsi.

Waa makri ugu horreysay ee uu madaxweynaha xubnaha baarlamaanka kala kulmo mucaarado toos ah, isaga oo jeedinaya khudbad si toos ah looga daawanayo aduunyada.
Wixi kusoo kordho shirkaan baarlamaanka uga socdo Muqdisho, kala soco halkaan.

VOA Somalia
Halgan.net

Wixi kusoo kordho shirkaan baarlamaanka uga socdo Muqdisho, kala soco halkaan.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online