Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay munaasabadda 1-da Luulyo
June 30, 2020 - Written by EditorMadaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey 60-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobolada Koonfureed iyo Midnimada dalka ee 1-da Luulyo.
Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka kaddib munaasad Calan-saar ah oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa barri subax, haddii Alle idmo, waxa uu jeedin doono khudbadda munaasabadda 1-da Luuliyo.