Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha PL oo tegay Degmada Raxo
June 18, 2020 - Written by EditorRaxo:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL mudane Maxamed Dhabancad iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kormeer shaqo ku gaaray Degmada Rako ee Gobalka Karkaar.
Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, ayaa ka koobnaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPl, xildhibaan Saleemaan Faarax Ciise oo ka tirsan DPL, iyo Gudoomiye ku xigeenada Gobalada Bari iyo Karkaar,
Ujeedka safarka Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka oo maalmihii udanbeeyey kormeer shaqo ku marayey Degmooyinka Gobalka Karkaar ayaa salka ku hayey xoojinta Nabadda, wada shaqeynta Bulshada iyo Dawladda, Arrimaha Hormarinta Degmada,Dardar gelinta canshuuraha, Wacyi galinta Hannaanka Geedi usocodka Dimuqraadiyeynta, iyo kormeer shaqo oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan xarumaha Dawladda iyo kuwa Arrimaha Bulshada ee Degmada Rako.
Waftiga uu Hogaaminayey Wasiirka Waxaa Degmada Rako Ku soo dhaweeyey Wasiirka Howlaha Guud DPL,maamulka Degmada iyo Qeybaha Kale Duwan ee Bulshada Degmada.
no images were found
DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FADERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA DPL.