Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo la shiray Iskuduwayaasha wasaaradda arrimaha gudaha.
June 9, 2020 - Written by EditorGaalkacyo:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderalka Iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo xafiiskiisa kulan kula qaatay Iskuduwayaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolada,
Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa dib u eegista waajibaadka shaqo ee iskuduwayaasha Gobolada iyo dardargalinta howlaha shaqo ay qabtaan iskuduwayaashu si waafaqsan habraaca shaqooyinka.
Kulanka waxaa wasiirka ku wehlinayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maxamed Musasaq, agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Nuur jubba, iyo Agaasimaha Waaxda Masiibooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL.
no images were found
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FADERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA DPL.