Faahfaahin Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

December 18, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Wararka naga soo gaaray galabta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax is miidaamin ah uu ka dhacay Koonfurta magaalada gaar ahaan afafka hore ee garoonka cayaaraha “Cabdullaahi Ciise”, oo ay ku sugnaayeen masuuliyin kale duwan oo ka tirsanaa maamulka Gal-Mudug ,Saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo dadweyne fara badan oo doonayey in ay soo dhaweeyaan Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qarax ayaa waxaa fuliyey qof naftii haliga ah waxaan ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac , xili dadweyne fara badan iyo masuuliyiin ay sugayeen imaanshaha Garoonka Cayaaraha “Cabdullaahi Ciise Ra’iisul-wasaare, Maxamed Xuseen Rooble .

Qarax is miidaaminta ayaa waxaa lala beegsaday Saraakiil iyo askar ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Gal-Mudug oo ku sugnaa garoonka si ay u soo dhaweeyaan wafdiga Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Wefdiga Ra’iisul-wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qarax inta uusan dhicin ka hor waxaa lagu soo dhaweeyey duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaan soo dhaweeyey Wasiiro, Xildhibaanno, Saraakiil, iyo maamulka gobalka Mudug ee ee ka kala tirsan Puntland iyo Gal-Mudug.

Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariisteen Taliyihii Qeybta 21-aad ee CXDS Janaraal Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Ciidanka Danab ee guutada 10-aad ee Ururka 16-aad Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Duqii Hore ee Magaalada Gaalkacayo -Puntland- Maxamuud Yaasiin Tumey, Saraakiil kale iyo dad shacab ah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online