Golaha Wakiillada Puntland oo uu hor-yimi Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga

December 6, 2020 - Written by Editor

Garoowe:- Fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga oo Ajandihiisu ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Wasiirka oo uu wehliyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Caydiid ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha u degsan, wax yaabaha u qaab-soomay iyo weliba mashaariicda ka socota guud ahaan Gobollada Puntland.

Intaa ka dib, Xildhibaannada ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online