Guddiga dib u habaynta Ciidamada Puntland oo kormeer ku tegay xerada Tababarka ee Abqaale.[Video/Masawiro]

December 15, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Guddiga dib u habaynta Ciidamada oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga dib u habaynta, ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tegey Dugsiga Tababarka ee Ciidamada ABQAALE.

Guddoomiyaha Guddiga Mudane Xasan Shire Cabdi waxaa booqashada ku weheliyay Taliye kuxigeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland S/Guuto Axmed Cali Salaad, Abaanduulaha Ciidamada Daraawiishta S/Guuto Siciid Maxamed (Gorayocawl) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.

Wasiirka iyo Saraakiisha ayaa Salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Khaalid Binuwaliid ee Tababarka ugu jira Dugsiga ABQAALE.

Mudane Xasan Shire Cabdi , Guddoomiyaha Guddiga ayaa la hadlay Ciidamada, waxaana hadaladiisa kamid ahaa:

“…Ilaahay baa mahad leh oo inoo suura geliyay kulankan, waanu idin soo booqanay si aan wax uga ogaano xaalada Dugsiga iyo habka uu idiinku socdo Tababarku, waan u mahad celinayaa inta isku hawshay ka shaqaynta in la helo Ciidamo tayo leh” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay mushaharka Ciidamada Puntland “…..Xukumadda uu hoggaaminayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdullaahi Deni waxaa ka go’an in Ciidamadu helaan xuquuq dooda lana hormariyo, mid ogaada waxaa naga go’an in aad bil walba insha allaah mushaarkiina heshaan adinkana waxaa la idinka rabaa in aad gudataan waajibaadkiina shaqo ayuu yiri Wasiirka Maaliyaddu.”

no images were found

Guddiga dib u habaynta Ciidamada ayaa la filaayaa in ay booqan doonaan Dugsiyada kale ee Ciidamada ee ku yaala gobolka Mudug. Tan iyo markii la bilaabay dib u habaynta Ciidamada waxaa jira guulo la taaban karo oo ay ka gaartay Dowladda Puntland.

Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online