Madaxweynaha Gal-Mudug oo magacaabay gudi xaqiiqo Raadin iyo & Baaris oo loo xilsaaray dhacdadii argagax laheyd ee ka dhacday Degmada Balanbal.

December 11, 2020 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa falkii argagaxa lahaa ee dhacay 9/12/2020 oo dil loogu geystay saraalkii ka tirsanayd ciidanka XDS ee ka howlgala Dowladda Galmudug ayaa u magacaabbay guddiga xaqiiqo raadin & Baaris si loo helo baaritaan dhab ah oo la xiriira dhacdadaas.

Gudigan waxaa hoggaan u ah Wasiirka Amniga Gudaha Md Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta & Dowladaha Hoose Md Cabd Maxamed Jaamac Waxaana xubno ka ah; Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, taliyaha Nabad sugidda Galmudug, kusimaha taliyaha ahna taliye xigeenka ciidanka Booliiska GM, Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Guddoomiyaha M/Dhuusamareeb, iyo Guddoomiyaha Degmada Balanbal.

Guddigan ayaa laga filayaa in ay soo aruurin doonaan xog dhab ah taas oo suurto galin doonta in danbiilayaashii cadaaladda la horkeeno lana marsiiyo waajibaadka ay mudan yihiin.


DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA.

Comments are closed.

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online