Madaxweynaha S/land oo Qaabiley Wefti Uu Hoggaami nayey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Malawi.[Masawiro]

December 19, 2020 - Written by Editor

Hargeysa:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Malawi, Mudane Eisenhower Nduwa Mkaka oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Malawi oo ah laba dal oo isku taariikh ah, oo ay ka wada tirsanaayeen maxmiyadii Ingiriiska oo labada dalba xukumi jirtay, madax-bannaanidoodana ay ka kala qaateen 26-June-1960 oo ay Somaliland ka heshay xornimadeeda Boqortooyadii Ingiriiska, halka Malawina ay ka heshay 06-July-1964kii. Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray sidii ay labada dawladood u samaysan lahaayeen xidhiidh qoto dheer oo walaaltinimo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka iyo isku tashiga dawladda iyo shacbigeedu ay halkan ku soo gaadheen, isagoo xusay in shacbiga Somaliland aanu Afrika iyo caalamka toona ka helin wixii ay xaqa u lahaayeen oo ah aqoonsi buuxa, madaama ay buuxiyeen shuruudihii dawladnimo ee looga baahna.

Dhinaciisa, wasiirka arrimaha dibedda ee Malawi waxa uu madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha iyo sharafta leh ee dalka loogu soo dhaweeyey, waxaanu madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan uu uga siday madaxweynaha dalka Malawi.

Kulankaa waxa madaxweynaha ku wehelinaayey, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, arrimaha gudaha, horumarinta maaliyadda, iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca weftigana waxa wasiirka ku wehelinaayey la-taliyaha madaxweynaha Malawi, Mr. Martin Tom iyo William Bambi oo ka tirsan waaxda arimaha dibada ee Afrika iyo Bariga Dhexe ee Malawi.

Ugu dambayn waxa ay weftigu muddada ay dalka ku sugan yihiin la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee dawladda, iyaga oo u kuurgelaya hannaanka ay Somaliland ku horumartay iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta.

no images were found

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online