Madaxweynaha JFS oo dalka Jabuuti kaga qayb galaya Shirka IGAD

December 19, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shir deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan xaaladda Gobolka.

Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa Madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ilaalinta Madaxbannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan doceedyo la qaadan doona Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah IGAD, si loo xoojiyo doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Diblumaasiyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee safarka Madaxweynaha ku wehelinaya waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online