Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka.

December 7, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Aalada Fogaan Araga uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo manta si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka waxaa sidooo kale shirka ka qeybgalay Ra”iisul Wasaaraha Dalka Madaxda Dowlad Goboleedyada Wakiilada Beesha Caalamka iyo Dowladaha Daneeya Arimaha Soomaaliya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hadal jeedintiisa Madasha kaga Hadlay Arimaha Amniga,Doorashooyinka, Arimaha Siyaasada loo dhanyahay iyo Hormarada Degmooyinka ay ku tilaabsadeen.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta –gareen ayaa ugu Horeyn waxa uu ka hadlay Amniga Deegaanada Koonfur Galbeed iyo Labadii sano ee lasoo dhaafay waxyaabihii uqabsoomay waxaana uu xusay in lagu guulaystay Dib u xureynta Degmada Awdheegle, Sabiib, Caanoole, Janaale iyo Deegaano kale Waxaana uu sidoo kale uu xusay Madaxweynaha in dhowaan Bilaabanayo Howlgalo Dib loogu Xureynayo Maleeshiyada Argigixisada Alshabaab Goobaha ay kaga harsan yihiin Deeganada koonfur Galbeed tayeyn iyo tawabaridna loo Sameeyey Ciidamada Qeybta ka Noqonaya Howlgalka waxaana sido kale Bilaabanaya Furida Wadooyinka Degmooyinka Koonfur Galbeed iyo Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa sido kale ka hadlay Arimaha siyaasada loo dhanyahay ee Koonfur Galbeed oo Hormaro laga gaaray sida Dib-u-Heshiisinta, Xasiloonida Siyaasadeed, Deganaansho, Hirgelinta Dhismaha Golaha Degaanka Degmooyinka. Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sidoo kale Madasha kaga hadlay Arimaha Doorashooyinka Waxaana uu sheegey inay muhiim tahay hirgelinta heshiiskii 17 Sep 2020 lagu soo gaaray Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee la”isku Raacay Doorasho waqtigeeda ku qabsoonta Waafaqsan Heshiiska. Waxaana uu Sheegay Madaxweynaha in Marwaliba ay diyaar u yihiin Fulinta Qodobadii lagu Heshiiyey.

Ugu Danbayn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka Codsaday siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan Bulshada in laga wada shaqeeyo Hormarka Dalka si aan Dib loogu Noqonin Cidwaliba oo ka shaqaynaysa Hormarka Dalka ayuu sheegay Madaxweynaha inuu Garab taaganyahay.–

——————–DHAMMAAD————————-

Comments are closed.

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online