Madaxweynaha oo guddi u magacaabay Aaska Qaran ee loo samaynaayo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Amniga Puntland.
December 30, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u magacaabay aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta dowladda Puntland Marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf ( Dowlad ).
Guddigan oo ka kooban 5-xubnood ayaa kala ah:-
1.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdullahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye).
2. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Cabdisamed Maxamed Gallan (Xubin )
3. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin)
4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada,Ahna ku-simaha Wasiirka Cabdirashiid Cali Geelle (Xubin )
5. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.