Madaxweynaha Puntland Deni oo ka qeyb galay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka.

December 7, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, oo ay ka qeybgaleen Dowladda Federaalka ah, Dowladdaha xubnaha ka ah iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadaljeedintiisa kaga hadlay horumarka Puntland gaartay labadii sano u danbeeyay, saameynta Covid-19, Ayaxa iyo duufaanta GATI, xaaladda dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashada, Kheyraadka iyo dib-u-eegista Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la isugu yimaado Shir deg deg ah, si loo xaliyo tabashooyinka la xiriira Doorashada, wuxuu Madaxweynuhu ku baaqay in Ciidamada laga saaro Garbahaarey, si ay ugu suuragasho Jubaland inay halkaasi doorashada ku qabato.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in Wax laga qabto tabashada ka jirta Guddiga Doorashada ee Somaliland, lagana talagaliyey dhammaan siyaasiyiinta Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Arrinta Shidaalka Soomaaliya, Puntland waxay ku baaqday inaan lagu degdegin illaa sharciyan looga heshiinayo.
Puntland waxay soo jeedisay in dib-u-eegista Dastuurka laga wada xaajoodo doorashada kadib, si loogu helo wakhti ku filan oo looga baaraandago.

Kulanka oo ku qabsoomay hab maqal iyo muuqaal ah, waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Mudane Cawil Shiikh Xaamud, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Saraakiil Madaxtooyo.


=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online