Madaxweynaha Puntland oo faray Bangiga dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay qayb sarif sameyaan.[Masawiro/Video]

December 8, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada heerarkeeda kala duwan, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.

Madaxweynaha oo hadal u jeediyay Bulshada ayaa aad u faahfaahiyey arrimaha la xiriira sicirka sarifka , cabashooyinka dowladda soo gaaray iyo go’aamada ay kasoo saartay dowladdu oo waxbadan xaaladda dejiyay.
Wuxuu Madaxweynuhu bulshada la wadaagay in Dowladdu go’aamisay in Bangiga Dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo Shirkaddaha xawaaladaha la faray inay sameeyaan qeyb sarifta lacagaha.

“Laga billaabo berito Bangiga Dowladda waxaan farayaa inuu Sarifo Doolarka, si dadka Shillin Soomaaliga u haysta uu doolar u siiyo, kuwa Doolarka watana uu Soomaali ugu bedelo.

Bangiyada kale ee gaarka loo leeyahay iyo shirkaddaha xawaaladaha iyagana waxaan faraynaa inay qeyb sarif sidaasi oo kale sameeyaan.

Sicirka sarifka iyo wadashaqeynta Bangiyada waxaa si dhow ula soconaya Hay’addaha ku shaqo leh oo Bangiga Dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda u horeeyaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

no images were found

Ganacsatada iyo bulshada kale ee kulanka ka qeybgalay ayaa aad usoo dhoweeyay go’aanka Madaxweynaha, iyagoo uga mahadceliyay dadaalka dowladdu ku bixisay inay wax ka qabato cabashada la xiriirta sicirka sarifka lacagaha.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online