Madaxweyne Farmaajo oo Xeer Madaxweyne ku dib dhigay Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka

December 25, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel Gaarka ah maadaama la galay xilligii doorashooyinka dalka oo ay sii dhammaaneyso muddada xilhaynta Barlamaanka 10aad, ayna bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Raisal Wasaaraha XFS ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay 23-kii bishan Diseembar Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka taas oo ku saabsanayd arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.

“Iyadoo aan waxba loo dhimeyn Qodobka 136aad ee Dastuurka KMG, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna Baarlamaanka 11aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, ansixiyeenna Guddiga La Socodka BFS, iyadoo ay la socoto warbixin faah-faahsan, habraaca ansaxinta Dastuurka KMG iyo qabyo-qoraalkii 3-aad ee Dastuurka KMG, si loo dhameystiro looguna ansixiyo muddada Xilhaynta Baarlamaanka 11aad.”

Xeerkan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Diseembar 2020, waxaana la baabi’iyey Sharciga iyo xeer kasto oo ka soo horjeedo arrinkan, iyadoo lagu soo daabicayo Faafinta Rasmiga.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online