Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo daahfuray dhismaha wajigii 2aad ee Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo.[Masawiro/Video]

December 22, 2020 - Written by Editor

Ceeldaahir: 22 December 2020: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo oo lagu bilaabay laami saarka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay qabteen Wasaaradda Howlaha Guud, Guddigii ka shaqeynayay dhismaha wadada iyo guud ahaan dadweynaha reer Puntland oo kawada qeyb qaatay, wuxuuna muujiyay in Dowladda Puntland ay muhiimad gaar ah u leedahay wadadan.

Laami saarka wadada Ceeldaahir-Ceergaabo ayaa bilow u ah in laga guul gaaro mashruucan, oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga hirgeliyo Puntland. Waana ka go’antahay Dowladda Puntland in sida ugu wanaagsan uguna dhakhso badan lagu dhameystiro mashruucan.

no images were found

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online