Qarax Khasaare Geystay oo ka Dhacay K. Gaalkacyo

December 18, 2020 - Written by Editor

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan qeybteeda Koofureed ee magaalada ee ay ka taliso dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise, halkaasoo ay ku sugnaayeen dadweyne badan oo soo dhaweyn lahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqan lahaa Magaalada.

Wariyaha VOA Cabdiwaaxid Macalin Isaaq oo ku sugnaa garoonka marka qaraxu dhacayay ayaa ku soo waramaya inuu jiro qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, oo isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen ciidamo iyo qaar ka mid ah ilaaladdii horudhaca aheyd ee Ra’isul wasaaraha, oo xilliga qaraxa dhacayay la sheegay in Garoonkaas laga sugayay.

Ra’iisul Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmahan booqasho ku joogay Galmudug, waxa uu saakay ka soo ambabaxay magaalada Cadaado oo uu xalay ku hoyday.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online