Saraakiil Ciidan oo lagu dilay gobolka Galgaduud.

December 9, 2020 - Written by Editor

Ballanballe:-Wararka ka imaanaya degmada Ballanballe ayaa sheegaya in maleeshiyaad beeleed hubeysan ay weerar dhaba gal ah ay ku dileen ilaa 6 Sarkaal oo ka tirsan qaybta 21aad Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarka ayaa lala beegsaday gaadiidka ay saarnaayeen Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib markii ay ka soo laabteen Xerada tababarka ee Xoosh ee degmada Guriceel waxaan ay ku sii jeedeen qoysaskooda oo deganaa degmada Ballanballe.

Saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dilay ayaa waxaa la doonayey in loo qaybiyo qaybha kala duwan ee ciidamada maadaama ay soo dhamaysteen tababar dhinac ciidanka ah.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidanka dowladda Fedraalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gal-Gaduud marka laga reebo in ay xaqiijeen dilka Saraakiisha ayna socoto baaritaan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online