Taliska Booliska Gobolka Bari oo fashiliyey Qarax miin ah.[Masawiro/Video]
December 21, 2020 - Written by EditorBoosaaso:-Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa fashiliyey Qarax la dhigay mid ka mid ah Xaafaddaha Bosaaso Ciidamada Booliska oo uu Hogaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Qarxiyay Qaraxaas ay soo abaabuleen Kooxaha Argagixisada.
Sidoo Kale Ciidamada Kala Duwan ee Gobalka Bari ayaa caawa magaalada Bosaaso ka soo qabtay Rasaas iyo Walxha lagu Sameeyo Qaraxyada oo lagu diyaarinayay gudaha magalada Bosaaso si loogu Dhibaateeyo shacabka Boosaaso.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in waqti walba ay ku bixin doonaan siddii Looga dabar goyn Lahaa kooxaha nabadiidka ee Gobalka Bari.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net