Taliyaha ciidamada Booliska Puntland oo ka tacsiyeeyey Saraakiishii ku dhintay qarax ka dhacay Gaalkacyo

December 18, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Taliyaha ciidamada booliska dowladda PUNTLAND,General Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi yare) ayaa Dhamaan saraakiisha iyo hawlwadeenada ciidamada Puntland waxay halkaan uga tacsiyaynayaan geerida ku timid qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Galmudug, Puntland, Soomaaliya iyo Dhamaan dadka ku haligmay qaraxii galabta ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay soo maleegeen dhagarqabayaasha u dhardhigtay gumaadka ummadda Soomaaliyeed.

Geeridu waa xaq qofwaliba dhadhaminayo,ma dhinte waa Allaah,waxaana alle uga baryaynaa dhamaan shuhadada dhimatay,naxariis iyo Janatu firdowsa, qoysaskii, ehelkii iyo dhamaan intey ifka uga tageena waxaan Rabi uga baryeynaa samir iyo iimaan inuu ka siiyo..Aamiin Aamiin.

Geesiyadda ciidamadda iyo saraakiishooduba,kama daali doonaan,la dagaalanka iyo ciribtirka nabad-diidka duulaanka qaawan ku ah Nabadda, Horumarka iyo Diinteena suuban.

Waxaan mar kasta ku boorinaynaa Shacab weynaha Soomaaliyeed inay garab istaagaan ilaalinta amniga dalka iyo dadkeena, lana shaqeeyaan goor kasta iyo goob-walba ciidamada iyo dhamaan hay’addaha dastuuriga oo ka shaqeeya ilaalinta, adkeynta iyo sugida nabadgelyadda, horumarka iyo wadajirka wadankeena hooyo.

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online