Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga JFS dowladda Kenya waxay ka soo horjeeddaa midnimada Soomaaliya.[Dhagayso]

December 15, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaley ku dhawaaqdey in ay xiriirkii diplomaasiyadeed u jartey Kenya. Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo wareysi siiyey laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa sheegay in go’aanka ay gaadhay dawladda Soomaalia si ay uga jawaabto xadgudubyada siyaasadeed iyo faragelinta qaawan ee Kenya ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirku.

Saacado kooban kahor intii uusan hadallkaasi soo bixin ayaa wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud waxa uu VOA-da u sheegey in dowlada Soomaaliya ay u aragto Kenya in ay ka soo horjeedo midnimada Soomaaliya isla markaana ay faragelin toos ah ku heyso arrimaha Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu wasiirku ka hadley ashtako ay u gudbiyeen urur goboleedka IGAD oo ka dhan ah Kenya.
Wasiirka oo hakad ku ahaa garoonka diyaardaha ee magaalada Addis Ababa ayaa ugu horeyn waxa ay wariyaheena Falastiin Axmed Iiman weydiisey culeyska cusub ee Kenya ay mar kale uga cabanayaan.

VOA

Comments are closed.

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online