Ciidamada Dowladda Puntland ee PMPF oo soo bandhiga dhoolatus Ciidan.[Masawiro]

March 26, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland ee PMPF oo shalay tababar loogu soo xiray xerada ciidamada PMPF ku leeyihin duleedka Boosaaso ayaa waxaa saaka ay dhoolatus ciidan ku soo bandhigeen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland ee PMPF ee tababarka loo soo xiray aya waxaa ay qaateen duruus kale duwan oo ku sabaan dhinac ciidanka waxaan loo leyliyey qaab aad u heer sareeya sudda ay saxaafada la wadaageen Taliska guud ee ciidanka badda Puntland ee PMPF.

Taliska guud ee ciidanka badda dowladda Puntland ee PMPF ayaa gudoonsiiyey askarta iyo weliba Saraakiisha ciidanka ee tababarka qaybta ka ahaa Derejooyin iyo Abaal marino kala duwan.

Agaasimaha Guud ee Ciidanka badda dowladda Puntland ee PMPF Cabdirabbi Cabdisamed Maxamed oo la hadlay ciidamada loo soo xiray tababarka ayaa waxaa uu ku booriyey in ay si wanaagsan u gutaan waajibkooda ayna fuliyaan wixii ay ku soo barten maalmihii kala duwanaa ee uu tababarka u socday.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

272,306 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>