Ciidamada PSF ee Puntland oo sheegay in ay dib u soo qabteen Maxaabiis ka baxsaday Xabsiga Boosaaso

March 16, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada PSF ee Puntland ayaa waxaa ay shalay ka fuliyeen howlgal deegaano ku teedsan Buraha Calmadow ee Gobolka Bari waxaan ay qoraal ay soo saareen ay kaga hadleen howlgalka ay ka fuliyeen.

Ciidanka PSF Puntland ayaa qoraalkooda ku sheegay in iyagoo ka fal celinaynaya weerarkii argagixisanimo ee cadawgu ka fuliyeen xabsiga magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxay ku guulaysteen in ay dib u soo qabqabtaan intii badnayd maxaabiistii falalka argagixisanimo ku eedaysnaa ee fakaday.

Waxaa kale oo ay ciidamadu wadaan hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo cadowgana lagu bartil maameedsanayo.
Ciidamada PSF Puntland waxay u mahad celinaynaa shacabka reer Puntland sida wanaag san ee ay u garab taagan yihiin ciidamadooda, cid aad ka shakidid ama wax amniga wax u dhimanaya haddii aad aragtid naga la soo xiriir 388/477.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online