Cutubyo ka tirsan Ciidamada PMPF iyo PSF oo howl gal ciidan ka wada Buuraha Gobolka Bari.[Masawiro]

March 8, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Cutubyo ka tirsan Ciidamada PMPF oo ay weheliyaan ciidanka PSF ayaa hawlgallo ka fuliyey Togagga Marajiifle, Gaaca iyo deegaamo kale oo kuteedsan togaggaasi.

Waxay ciidanku sii wadeen hawlgalkooda, iyagoo lug ku maraya Buuraha iyo Togagga raadkoodu ka sii nool yahay. Sidoo kale ciidanka ayaa ka hawlgalay Buuraha iyo Togagga deegaanka Laag.

Iyadoo laga duulayo amaawiirta Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ciidamada PMPF waxay sii wadi doonan hawl gallada lagu sugayo Amniga, laguna soo afmeerayo argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

Muwaadin nagala qaybqaado sugidda Amni iyo xasiloonida Puntland oo nagula wadaag xogta cadawga lambarkan gaaban 3311.

Warbaahinta Ciidanka PMPF
Boosaaso, Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

253,663 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>