Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareysay weerarkii Xalane

March 9, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkii nasiib darrada ahaa ee hoobiyayaasha lagu bartilmaameedsaday xarunta shaqaalaha gargaarka bani’aadamnimo Xalane ee Muqdisho.

Weerarkan fuleynimada ah waa isku day la doonayo in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Weerarkan hoobiyeyaasha ah ayaa cadeynaya iskudayada taagta daran ee argagixisada oo miciin biday in ay beegsadaan samafaleyaasha u yimid dalka si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaarka binu aadantinimo, kaddib markii ay u midoobeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagaxisadaas.

Qorsheyaasha mideysan ee geesinimada leh ee shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wajahayaan argagixisada laguma weecin doono ficilladan fuleynimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu, sidoo kale kama niyad jabinayaan walaalaha iyo saaxiibada Soomaaliya inay sii wadaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin dalkeenna.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay kor u qaadday feejignaanta amni, iyadoo baaritaan dhammeystiran ku sameynaysa weerarkan hoobiyayaasha ah ee argagixisadu soo qaadday iyo duruufaha amni ee ku xeeran weerarkan.

Waxaan rabnaa inaan u xaqiijino bulshada caalamka iyo shaqaalaha samafalka in dowlada ay sii wadi doonto la shaqeynta daneeyayaasha ammaanka si loo xaqiijiyo badqabka samafaleyaasha caalamiga ah.

—–DHAMMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online