Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in shirka doorashada uu ka dhici doono Afisyooni.[Video]
March 20, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shirkii uu Madaxweyne Farmaajo uu xalay u iclaamiyey dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir in uu ka dhici doona Xerada Afisyooni.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in meel walba oo shirka doorashada lagu qabanayo ay tagayaan xitaa badda Dhexdeeda.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada Cov-19 ee soomaaliya iyo dacwada badda ee u dhexaysa Kenya iyo Soomaaliya.
Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee ee Wasiirka warfaafinta xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net