Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo ka tacsi yeeyey dilka Wariye Jamaal Faarax Aadan

March 1, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur oo ku hadlaya Afkiisa iyo kan Shacabka Gobolka Mudug ayaa waxa uu ka tacsiyeynayaa Geerida Allaha u naxariistee Wariye Jamaal Faarax Aadan oo caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha ayaa yiri ” Ilaahay ha unaxariisto Jamaal Faarax Aadan oo aan dhihi karo inuu ka mid ahaa haldoorada Gobolkan Mudug lahaa, waxaa uu ahaa saaxibkay safka horena igula jiray la dagaalanka xoogan ee aynu ku hayno kooxda naflacaariga ah ee Al-shabaab, geesi aan runta ka baqin bulshadana ka wacyi galiya dhagarta Khawaarijta, waxaa uuna ahaa Khabiir muda dheer ku jiray mihnada Saxaafada, marxalado adag oo uu dalkan soo marayna door wanagsan ka soo qaatay.

Ilaahay Janadiisa ha geeyo Samir iyo Iimaana haka siiyo Ehelkii, Qoyskii iyo dhamaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Gobolka Mudug, laamaha amnigu waxay wadaan baari taano la xiriira dilka Marxuum Jamaal, cid kastoo ku cadaatana sharcigay wajihi doontaa insha allaaah.”

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta
Maamulka Gobolka Mudug

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online