Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Puntland oo tegay Muqdisho.[Masawiro]
March 13, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gelinka danbe maanta la filayaa in uu gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, si uu uga qayb galo shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo maalmaha soo socda ka furmaya Muqdisho.
Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo gelinka danbe maanta la filayo in uu gaaro magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu degi doonaa xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy.
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa amnigiisa sugaya Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah u tababaran ee dowladda Puntland.
Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka.
no images were found
M_M_Deeq
Sawir qaade Bulshaawi
Halgan.net