Kulan Boosaaso ku dhexmaray Taliyaha Booliska Dowladda Puntland iyo Saraakiisha Gobolka Bari.[Masawiro]

March 27, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Taliyaha Booliska Dowlada Puntland ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo Taliyaha Qeybta Gobalka Bari, isagoo ku boorriyay inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka guud iyo deegaannada kale ee Gobalka Bari.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlada Puntland S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen ayaa kula dardaarmay saraakiisha Booliska in kor loo qaado sugidda amniga , si shacabka Magaalada Bosaaso ay u helaan ammaan buuxa isagoona sheegay in shacabka ay muhiim tahay in ciidamada ay samatabixin u sameeyaan.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari iyo Sarakiisha ayuu ku amaaanay in ay shaqo baaxadleh ay u hayaan Bulshada waxana uu sheegay in looga bahan yahay in ay labajabaraan sugida amniga.

“Waa in qofku amni ku helo meel walba, isagoo kalsooni ku qaba Ciidanka Booliska, si aad taasi u suuro-gelisaan dowladda Puntland waxay idin la garab taagan tahay marwalba wixii taageero ah ee aad u baahan tihiin.”ayuu yiri Taliyaha Booliska Dowlada Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa isna docdiisa faray saraakiisha ciidanka in Habdhaqan wanaagsan ay ula dhaqmaan Bulshada ay u adegayaan iyo in la wanaajiyo badqabka shacabka.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online