Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaaday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya [Masawiro]

March 10, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam,ayaa waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre waxaan ay ka wada hadleen Xaalada dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashoyinka , amniga iyo weliba shirka wadatashiga qaran ee la filayo in maalmaha soo socda uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Kulanka Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan Warbaahinta wax xog ah ka helin marka laga reebo in kulanku ay uga doodeen qaabka ugu sahlan ee loo maarayn karo khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka dalka iyo is mariwaaga ka dhex jira Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo musharaxiinta.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa kale oo hoyga u ka degan yahay magaalada Muqdisho waxaa ku soo booqday Madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud iyo Sh Shariif Sh Ahmed.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale kala sheekeysata madaxweynaha Jubaland xaalada dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyago u jeediyey codsigooda ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah la iskuna waafaqsan yahay.
Sidoo kale Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, kulankuna waxaa uu ka dhacay hoyiga Madaxweynahu uu ka degan yahay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online