Madaxweynaha maamulka Hirshabeele oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed
March 10, 2021 - Written by EditorJowhar:-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Allaha u Naxariistee Madaxwrynihii Hore Dalka Marxuum Xaaji Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii Qaraabadii Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Xaaji Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii 4aad ee Dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku door weyn oo muuqda uu ka soo qaatay Nabadeynta, Dib u Heshiisiinta iyo Dowlad dhiskii Soomaaliya, Horumarka hadda la heystana uu qeyb ka ahaa.
Ugu dambeyn Madxaweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay Marxuum Cali Mahdi inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Ehelada, Asxaabta iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Eebbe ka siiyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN
-DHAMAAD-