Midowga Musharaxiinta oo Warsaxaafadeed soo saaray.[Video]
March 2, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Midowga Musharrixiinta ayaa saaka shir deg deg ah ku yeeshay Hotelka Jaziira ee Muqdisho waxaan shirkaan ku soo beegmayaa xili xalay uu Madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay in ay shir isugu imaadaan madaxda maamul gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir maalinka Khamiista oo Taariikhdu ay tahay 4/03/2021 xili la qorsheeyey banaanbax ay ku baaqeen Midowga musharaxiinta in uu ka dhaco magaalada Muqdisho oo ku beegan 6/03/2021 arrinkaas oo dareen ku abuurtay Midowga Musharaxiinta.
Midowga Musharrixiinta ayaa ku tilmaaya shirka xalay Madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay mid lagu xagal daacinayo kulamadii dhexmaray Ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga musharaxiinta oo sababay in horumar laga gaaro khilaafkii ka dhex aloosnaa Midowga musharaxiinta iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Midowga musharaxiinta oo uu u hadlay C/raxmaan C/shakuur ayaa yiri ”Waa ayaan daro wayn in madaxweynaha waqtigiisu dhamaday uu carqaladeeyo wada hadaladii u socday Xukuumadda xilgaarsiinta ee Ra’isul wasaare Rooble iyo Midowga musharrixiinta.
Dhinac kale Midowga musharrixiinta ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada dalka in aysan qeyb ka noqon wax walba oo carqaladaynaya wada hadala u dhexeeya Ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga musharaxiinta.
Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka ay soo saareen Midowga musharaxiinta
no images were found
A/cawaale
Halgan.net