Midowga Musharaxiinta oo Warsaxaafadeed soo saaray.[Video]

March 2, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Midowga Musharrixiinta ayaa saaka shir deg deg ah ku yeeshay Hotelka Jaziira ee Muqdisho waxaan shirkaan ku soo beegmayaa xili xalay uu Madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay in ay shir isugu imaadaan madaxda maamul gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir maalinka Khamiista oo Taariikhdu ay tahay 4/03/2021 xili la qorsheeyey banaanbax ay ku baaqeen Midowga musharaxiinta in uu ka dhaco magaalada Muqdisho oo ku beegan 6/03/2021 arrinkaas oo dareen ku abuurtay Midowga Musharaxiinta.

Midowga Musharrixiinta ayaa ku tilmaaya shirka xalay Madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay mid lagu xagal daacinayo kulamadii dhexmaray Ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga musharaxiinta oo sababay in horumar laga gaaro khilaafkii ka dhex aloosnaa Midowga musharaxiinta iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Midowga musharaxiinta oo uu u hadlay C/raxmaan C/shakuur ayaa yiri ”Waa ayaan daro wayn in madaxweynaha waqtigiisu dhamaday uu carqaladeeyo wada hadaladii u socday Xukuumadda xilgaarsiinta ee Ra’isul wasaare Rooble iyo Midowga musharrixiinta.

Dhinac kale Midowga musharrixiinta ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada dalka in aysan qeyb ka noqon wax walba oo carqaladaynaya wada hadala u dhexeeya Ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga musharaxiinta.

Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka ay soo saareen Midowga musharaxiinta

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online