Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Wakiillada Beesha Caalamka.[Masawiro]

March 30, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Waasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.

Kulan Ra’iisul Waasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku soo beegmay xili la soo sheegayo in weli ay madaxda Soomaalidu ku kala aragti duwan yihiin doorashada la doonayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya maadaama 3 gole ee dowladda Federaalka soomaaliya uu xilkoodii uu dhamaaday.

Wakiilada Beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho auaa mudo ku dhow dhowr usbuuc ku jiray in ay isku soo jiidjiidaan madaxda Soomaalida balse arrinkaas ayaa waxaa muuqata weli im aan wax horumar ah laga gaarin.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,103 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>