Shir u dhexeeya Dowladaha xubnaha ka ah Dowlad Federaalka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho.[Masawiro]
March 27, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa goor dhow ka furmay Hotel ku yaal Garoonka Aadan Cadde ee Xayndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho kulan u dhexeeya Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlad Federaalka Soomaaliya.
Shirkaan ayaa in uu qabsooma waxaa ka shaqeeyey beesha caalamka oo ah kuwa taagerada siiya dowladda Soomaaliya ee Federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada waxaan looga hadlayaa khilaafka hareeyey doorashooyinka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka qeybgalaya Shirka Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS oo si rasmi ah maanta ugu qabsoomay Muqdisho.
Shirkan ayaa looga hadlaya xaaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha Doorashada iyo xal u helista caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirkii loo balansanaa ee doorashada.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net