Shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo lagu magacaabay 2 gudi

March 1, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddiyo u magacaabay qabanqaabada bannaanbaxyada Midowga Musharraxiinta iyo Baaritaanka Dhacdooyinkii 19-kii Febraayo 2021.Ka dib kulan uu maanta magaalada Muqdisho kula yeeshay midowga musharixiinta kaas oo dhammeystir u ahaa heshiiskii 25-kii Febraayo ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashaxiinta, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu magacaabay labo (2) guddi oo isku dhaf ah oo midkood ka shaqeyn doono sidii Midowga Musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon si wafaaqsan qodobka 20aad ee Dastuurka KMG, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021.

Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Midowga Musharixiinta waxay kala yihiin;

1. Xasan Xundubay Jimcaale

2. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)

3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

4. Daahir Maxamuud Geelle

5. Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow

6. Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)

Magacaabista Guddigan ayaa salka ku haysa kadib markii ay heshiis ku gaareen Ra’iisul Wasaare Macamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta in si wadajir ah looga shaqeeyo abaabulka bannaan bax nabadeed iyada oo laga taxadarayo halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran xaaladdaas, lana raacayo tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka.

Guddiga labaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble magacaabay ee baaraya dhacdooyinkii 19kii Febraayo ayaa ah min 3 xubnood oo ka socda Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharrixiinta waxayna kala yihiin;

1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.

2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji

3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare

4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise

5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud

6. Xuseen Macalin Maxamuud

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay guddiyadan in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

—-DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online